Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday weriye Gurbiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta lix bilood oo xabsiya ku xukunta weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan idaacadda Goobjoog.

Xukmane Gurbiye oo sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay Tebinta warar been abuur ah ayaa sidoo kale lagu ganaaxay shan Milyan oo shilin Soomaali ah.

Warka la sheegay in uu tebiyay Suxufigaas ayaa la xiriiray in Madaxweyne Farmaajo si shakhsi ah u qaatay qalabka ventilator-ka ee loogu tala-galay dadka Neeftu ku dhegto.

Ururrada u dooda xuquuqda suxufiyiinta ayaa cambaareeyey xukunkaas oo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah xorriyatu qowlka.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday weriye Gurbiye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this