Deeq A. Posted July 29, 2020 Guddoomiiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Key oo ahaa xoghayaha joogtada ah wasaaradda beeraha, kaas oo lagu aasay magaalada Muqdisho. Cawad oo wareysi siiyey Shabelle ayaa marka hore tacsi u diray ehellada marxuumka, isagoona Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu muddo u soo shaqeeyey dalkiisa, islamarkaana uu u geeriyooday xaalado caafimaad oo soo wajahay muddooyinkii la soo dhaafay. Allaha u naxariisteen Marxuum Maxamed Cali Key ayaa muddo fog ka shaqeynayey wasaaradda beeraha, isagoo haatan xoghayaha wasaaraddaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites