Sign in to follow this  
Deeq A.

Cawad oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Maxamed Cali Key

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Key oo ahaa xoghayaha joogtada ah wasaaradda beeraha, kaas oo lagu aasay magaalada Muqdisho.

Cawad oo wareysi siiyey Shabelle ayaa marka hore tacsi u diray ehellada marxuumka, isagoona Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu muddo u soo shaqeeyey dalkiisa, islamarkaana uu u geeriyooday xaalado caafimaad oo soo wajahay muddooyinkii la soo dhaafay.

Allaha u naxariisteen Marxuum Maxamed Cali Key ayaa muddo fog ka shaqeynayey wasaaradda beeraha, isagoo haatan xoghayaha wasaaraddaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this