Deeq A. Posted July 29, 2020 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukun lagu riday, Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo dhowr jeer la horgeeyey maxkamaddaasi. Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wariyaha lagu helay qodobka 328 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta warar been abuur ah. Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in lagu xukumay lix bilood oo xarig ah iyo gacanaax lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin Soomaali ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inuu racfaan qaadan karo Wariyaha, hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka xabsiga ah ee lagu riday. Kiiska Wariye Gurbiye ayaa soo jiitamayey bilihii u dambeeyey, iyada oo markii afaraad saaka la horgeeyey maxkamadda oo ku dhawaaqday go’aankaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in xabsiga dhexe loo gudbiyey Gurbiye, kadib xukunka saaka lagu riday. View the full article Share this post Link to post Share on other sites