Deeq A. Posted July 29, 2020 Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku shirayo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana shir guddoominaya guddoonka golaha shacabka. Ajandaha kulanka xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta koowaad wax ka badelka sharciga burcad badeedka kaas oo muhiimad gooni ah u leh dalka, iyadoo mudanayaasha laba Akhrin kale marsiin doonan. Xildhibaannada ayaa inta kulanka uu socdo waxaa sidoo kale ay dib u eegis ku sameyn doonaan misaaniyadda dowladda ee 2020 oo xukuumaddu horay u soo gudbisay, waxaana ay aheyd middii ugu badneyd miisaaniyad. Kulanka ayaa waxaa uu kamid yahay kalafadhiga 7-aad ee golaha oo ah midkii ugu dambeeyey muddo xileedkiisa, waxaana golaha horyaallo sharciyo waa weyn oo uu kamid yahay dib u eegista iyo meel marinta Dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites