Deeq A. Posted July 29, 2020 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo warbaahinta ugu warramayey Garoowe ayaa si adag uga hadlay ammaanka maamulkaasi. Deni ayaa amar ku siiyey ciidamada ammaanka inay toogtaan cidkasta oo hubeysan, misana qatar ku ah ammaanka deegaanada maamulka Puntland. “Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii diidda baaqeyna in aan wax arxan ah u galeyn, ma qarsaneyno, waxa aan Ciidamada ammaanka farayaa in ciddii cadaw ku ah Bulshadaan ku toogta goobta aad ku aragtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites