Sign in to follow this  
Deeq A.

Barta Twitterka oo Curadka M/weyne Donald Trump Amar culus duldhigtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Barta Twitterka oo Curadka M/weyne Donald Trump Amar culus duldhigtay

Donald Trump Jr
Donald Trump Jr

Twitter ayaa muddo 12 saacadood ah ka mamnuucday inuu barta wax ku daabacao curadka madaxweyne Trump.

Ciqaabtan ayaa timid ka dib markii wiilka Donald Trump uu barta ku daabacay muuqaal looga hadlayo faa’iidooyinka dawada Hydroxychloroquine.

Dadka qaar oo uu ka mid yahay madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in dawada ay wax ka tareeyo fayraska corona inkastoo baaritaannada dhanka caafimaadka ay naqdiyeen soo jeedintaasi. Barta Twitter ayaa sheegtay in muuqaalkiisa uu ku xad-gudbayo sharciyada la xiriira wararka been abuurka ah xanuunka Covid-19.

Donald Trump Jr ayaa weli loo ogol yahay inuu isticmaalo barta uuna farrimaha gaarka ah u diro macaamiishiisa balse barta waxba kuma baahin karo.

Twitter ayaa BBC-da u sheegtay: “Waxaan sameeyneynaa ficil la xiriira siyaasadeheena barta.”

Dhammaan baraha caanka ah ee ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa qaaday tallaabo lagula dagaalamayo wararka been abuurka ee coronavirus.

Sawir laga soo qaaday barta wiilka Trump

Andy Surabian, oo ah afhayeen u hadlay wiilka Donald Trump ayaa BBC-da u sheegay in go’aankaasi uu yahay “mid lagu deg-degay”

“Twitter waxa uu muddo kooban ka mamnuucay Donald Jr inuu barta wax ku daabaco taasi waxay muujineysaa in barta ay cadeyneyso iney dileyso xornimada hadalka ee Online-ka, sidoo kale waxay tallaabadani daliil u tahay in barta Twitter ay isku howleyso faragelinta doorashada si ay u caburiso codadka xisbiga Republican-ka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in uu liqay dawada looga hortago cudurka duumada ama malaariyada ee hydroxychloroquine.

Trump wuxuu sheegay in dawadan uu ugu talagalay in uu isaga difaaco fayraska Covid-19, in kastoo seynisyahannada ay ka digayaan dhibaatada ka dhalan karta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this