Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Masar Ay Saldhig Millatari Weydiistay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay wararka aan sida rasmiga ah loo xaqiijin ee sheegaya in waddanka Masar uu saldhig millatari weydiistay Somaliland, kadib markii wefti ka socda Masar uu safar ku yimd Caasimadda Hargeysa toddobaadyo ka hor.


Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ambassador Dina Mufti oo waraysi siiyey wargeyska Daily Nation ayaa caddeeyey in Masar ay xor u tahay inay xidhiidh la yeelan karto dalkasta oo ku yaal Bariga Afrika, balse waxa uu ka digay in arrintaasi ay tahay mid loogu talogalay in lagu waxyeeleeyo dal kale oo ku yaal Gobolka. Waxa kaloo uu Afhayeenku ka hadlay ujeedada wefti ka socday Itoobiya oo safar ku yimid Somaliland, isagoo xusay inuu ka mid ahaa; “weftiyada joogtada ah ee ay LABADA WADDAN (countries) ay isweydaarsadaan…”

https://www.nation.co.ke/kenya/news/africa/tension-ethiopia-egypt-somaliland-military-base-1907432

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this