Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo ‘qorsheyneysa’ inay saldhig ka dhisato magaalada Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa soo if-baxayey warar sheegaya in dowladda Masar ay saldhig milatari ka sameysaneyso magaallo xeebeedka Berbera ee Somaliland.

Masar ayaa Itoobiya waxaa xilligan kala dhexeeya xiisad ku aadan muranka biya xireenka Itoobiya ay ka dhisaneyso wabiga Nile oo muhiim u ah nolosha malaayiin Masaari ah.

Axmed Diiriye Maxamed oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa ka digay saldhigga militari ee la sheegay in Masar ay ka sameysaneyso magaalada Berbera.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland aysan wax dan ah ugu jirin qorshaha ay wado dowladda Masar iyo dhismaha saldhiggaasi.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/cod-sakariye.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this