Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay weerar dhabagal ah oo ku bilowday qarax miino dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamadaasi oo ka tirsan milatariga Soomaaliya, xilli ay ku socdaalayeen agagaarka deegaanka Bariire ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hoir imaad muddo socday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka horeeyey intaba.

Xaaladda ayaa hadda dagan, basle ciidamada dowladda ayaa isku fidiyey duleedka Bariire, iyaga oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this