Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sii-hayaha xilka R/wasaaraha oo kormeeray Dekeda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii-hayaha Ra’isulasaaraha dalka Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyaan wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ,wasiirka Dekedaha iyo gadiidka badda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa maanta kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho si loo dar dargaliyo howlaha lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Siihayaha Ra’isulwasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guudlee ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Dekeda sida ay usocoto shaqaha waxaana uu bogaadiyay sida hufnaanta leh ay ushaqeeyaan howl-wadeenada .

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qoraal uu soo dhigay ku sheegay in Dekeda Muqdisho aytahay isha dhaqaalaha dalka.
“Manta waxa aan kormeer ku tagnay aniga iyo Sii-ha Ra’isulwasaaraha Dalka Mahdi M. Gulaid Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah Isha dhaqaalaha iyo dakhliga dalka.

sidoo kale waa in si hufan shacabka loogu adeegaa, sidoo kale waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka, shaqaalaha Dakadda iyo Wasiir Maryan Aweys oo waxbadan ka qabatay dib habeynta howl-maadmeedka Dekeda Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

116288343_1997521257048461_1513883499580116344815_1997520820381838_5998088228311116432791_1997520697048517_5522650784677116432791_1997520697048517_5522650784677116435252_1997521063715147_5632341007391

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this