Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Go’itaankii Internet-ka Koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta iyo  Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay sida ay shaacisay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan oo ka hadlay Arrintaas, ayaa u mahadceliyay Shirdadaha bixiyay adeegga Internet-ka, oo sida uu sheegay ku guulaystay in ay si ku meel gaar ah u xalliyaan cilladaas.

Wasiir Canshuur, ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka in ay taxadar dheeri ah muujiyaan maalmaha soo socda, inta cilladdan laga wada xallinayo, si uusan mar kale u go’in Khadka Internet-ka.

Mudane Canshuur, wuxuu intaasi ku daray in dalku uusan ka kaban Karin go’naanshaha  khadka internetka, maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada iyo warbaahinta.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Go’itaankii Internet-ka Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this