Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan soo xulista ra’iisul wasaaraha cusub ee bedalaya, Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in labada mas’uul ay isku soo hadal qaadeen dhameystirka shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa haatan wada dadaalladii ugu dambeeyey ee magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this