Sign in to follow this  
Deeq A.

Toban Sanno Iyo Khaladaadkii Siyaasadeed ee Xukumadihii Xisbiga KULMIYE Qaranka Ka Galeen!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Toban Sanno Iyo Khaladaadkii Siyaasadeed ee Xukumadihii Xisbiga KULMIYE Qaranka ka galeen!!

Khaladaadka ay Xukumada Kulmiye Qaranka ka gashay Tobankaa Sanno waa in aan qiimeyn ku samaynaa. Kolay qaar baa wanaageedii nagula meeraysan, se wanaag ma ahayn ee waajib saarnaa oo ay gudatay, weliba sidii ugu liidatay ay u guteen buu noqonayaa haddii ay waxqabteena.

Khaladaadka siyaasadeed ee ay galeen:

Furitaanka wada hadalada Soomaaliya, ee aan illaa hadda la aqoon jiho iyo mustaqbal laga leeyahay, ee maalin ba dabayshu dhan u qaado.
Samayntii iyo kordhintii Gobolada dalka, ee ilaa hadda manfac laga dheefay aan la garanayn muran ay inagu kordhisay mooyee.

Maamul daadejin la’aanta illaa maanta ka jirta dalka oo aan wax uga qorashaysnaa illaa hadda na uga qorshaysan jirin.

Iibintii hantida dawladda ee dhuleed, taas oo aan manfac shacabka lagaga soo celiyey aanu jirin illaa hadda.

Badalaadii Manhjka waxbarashada oo mashruuc mooyee midho dhal iyo ka raadintoona loo samaynin haddana weli sidii uun lagu wado.

Siyaasaddaynta arrimaha dhaqanka iyo madax dhaqameedka iyo kala geynta shacabka oo aan ilaa hadda na xal laga daba keenin.

Wareejintii hawada ee ay bud-dhiga u ahayd xukumadda Kulmiye, ilaa hadda na aan wax lagaga hadlo jirin.

Lagama gayoon karo haddii aan wadno uun inta ay qaranka ka galeen oo kaliya. Iska dhaaf Xisbi ahaan dhexdiisa khaladaadka dhacay iyo ismijoxaabinta la sameeyey ee sawirka xisbi qaran dhaawac ku keentay.

Isweydiin: Kulmiye, halkuu ku dambeyndoonaa? Ma jiraa qorshe sii jiritaan oo uu leeyahay oo ka badbaadin kara in uu u baaba’o sidii xisbigii UDUB? Ma sii haysan doonaan reeraha Bah-siyaasadeedka ku noqday?

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this