Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qoor-Qoor oo wafdiga uu hoggaaminayo ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa waxaa Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Hadal kooban oo uu madaxweyne Qoor-Qoor siiyey warbaahinta ayaa waxa uu ku sheegay in socdaalkiisa uu la xariiro sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabihii looga wada-hadlay shirkii magaalada Dhuusamareeb iyo u diyaar garowga midka soo socda .

Dhowaan ayey aheyd markii madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ay shir ballaaran ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this