Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in mooshin uu ka socdo magaalada Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Xasan Xersi Xaashi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyey inuu socdo qorshe la doonayo in lagu diyaariyo mooshin xil-ka looga qaadayo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal.

Mudanahan ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in mooshin ay wadaan xildhibaano ka cabanaya mushaar la’aan, kaas oo ka socdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin wax mushaar ah oo laga goostay xildhibaanada Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay maalmahan soo baxeysay cabasho ka soo yeereysay xildhibaanada qaar oo eedeeyey guddoonka baarlamaanka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this