Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Was Guddoomiye Mursal taking revenge not being invited to Dhuusamareeb?

Recommended Posts

I personally think what guddoomiyaha baarlamaanka pulled the other day was illegal. No question about that. And it was of course supported by many - with different political views - who u ciil qabay ra'iisul wasaaraha, who himself and his core supporting xildhibaanno were out of Muqdisho.

I think guddoomiye Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal was incensed by not being invited to shirka Dhuusamareeb. He was also infuriated by in baarlamaanka dhexe la dhinac maro and many of the resolutions it passed discarded.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiye Mursal "Qof kasta oo Soomaaliya oo xaq ayuu u leeyahay inuu ka hadlo arrinta Gobolka Banaadir "

202073637293694662134277.jpg

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ka hadlay arrinta metalaadda siyaasadda ee Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in xildhibaannada aqalka hoose ee qaranka  ay sameeyeen ansixin taariikhi ah,  oo wax weyn uga dhigan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Soomaaliya.

"Waxaan u mahad-celinayaa guud ahaa xildhibaannada Baarlamanka tillaabada ansixinta ah oo ay sameeyeen " ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mursal ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda qaranka Soomaaliya,  sidaasi darteedna uu qof walba ka hadli karo arrimaha la xiriira masiirkeeda siyaasadeed.

"Qof walba Soomaaliya xaq ayuu u leeyahay inuu ka hadlo arrinta Muqdisho,  waayo nasiib ayey u yeelatay iney noqoto caasimadda dalka " ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay go'aankii Baarlamanka ee Gobolka Banaadir.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mursaloow labadaan hoos ka muuqdo maa aamini doontaa?

__________________

Maxaa looga hadlay kulankii ay Mursal iyo Muudey la yeesheen Xasan iyo Shariif?

madasha-mursal.-696x460-1.jpg

Xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran ee Muqdisho waxaa caawa kulan ku yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ugu tegay xaruntooda Madasha.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah golaha shacabka, sidoo kalena ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Mursal iyo Muudey ay madaxweynayaasha ugu tageen la tashi.

“Gudoonka Golaha Shacabka oo soo booqday guddoonka Madasha Xisbiyada Qaran, labada dhinac ayaa iska xog-wareystay xaaladaha siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay iskooda u soo booqdeen guddoonka Madasha oo aaney cidna Ergo ka ahayd, waxayna dhageysteen aragtida iyo go’aanada Madasha ee ku aadan doorashooyinka 2020/2021” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Idiris.

Inka badan laba jeer ayey guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudey xaruntooda ugu tageen madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ah hoggaanka Madasha, waxayna mar kasta kala hadlayeen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Kulankaan waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay uu guddoomiyaha golaha shacabku ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen Ra’iisul wasaarihii dalka iyo xukuumadiisa. Taas oo jaho murugsan u weecisay siyaasadii ciir-ciireysay ee Soomaaliya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Aragtidayda.
Khayre wuxuu qaatay shaqadii oo dhan, asagoo sii qaatay tii madaxweynaha tii baarlanaanka iyo tii xukuumadiisa, cidnaba waxba uma reebin. 

lugta jeeniga waa la dhawayn karaa laakiin lama dhaafin karo.

Booskii baarlamaanka wuxuu ku badelay maamul goboleedyada oo la hoos geeyay wax kastoo aan sharci ahayn asagoo isticmaalaya nadaamka ZOOM'ka ama fogaan aragga cusub.

Farmaajo wuxuu isu ekaysiiyay oday dhaqameed shirkii dhuuso-mareeb markuu arkay in furayaashii oo dhan la xaday.

Waxa deg-degga keenay waa arrintaas aragtidayda waa dab-demis.

Macno malaha ku darsasho kooban oo qof iyo cod lagu gaaro, samirkeedana lama waayin, laakiin waxaa u muuqatay fursad ama cantuugo fiican oo ku dhex jirta kala fogaanshaha dawadaha soomaaliya ka dhisan.

Arrintaan xusbiyada. 
Waxaa la arki jiray, xusbi doona qof iyo cod una shaqo taga siday shacbiyad badan dalka oo dhan uga samaysan lahaayeen

Balse xusbi doonaya doorasho dadban nacnihiisu waa doorkeena 4.5 ku yuu na dhaafin, wayna garanayaan inaysan cod shacab waligood kusoo baxayn sida odorusku u muuqdo.

Tan beesha caalamka 
Waxaa gadaal ka riixaya dawladaha diidan turkiga oo waayar ku talaashay reer yurub. 

Waa shaqo soomalidu magac ahaan un ugu dhex jirto. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul wasaare Kheyre was a hands-on prime minister, waana loo baahnaa qof saas ah. Wasiradda qaarkood, siiba kuwa asaga uunan keensan ma jecleen saas.

I hope he stays in Muqdisho, starts his own urur siyaasadeed and starts campaigning right away. A lot of cross-section Soomaalis are supporting him right now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.