Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ka hadlay kulamo gaara oo la qaatay Farmaajo iyo Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faahfaahfin ka bixiyay kulamo gaara oo Dhuusamareeb kula qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo markii hore laysku ogaa in aan saxaafadda lala wadaagin.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu labo shir oo gaara la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalak Soomaaliya, islamarkaana uu codsaday Farmaajo in Puntland kala shaqeyso doorasho qof iyo cod ah iyo muddo kororsi, hase ahaatee uu ka diiday dalabkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in madaxda shirkii Dhuusamareeb ka qeybgashay intooda badan ay qabeen in dalka ay ka dhacdo doorashado dabdan oo horumarsan.

Dhanka kale Madaxweynah Puntland ayaa sheegay in labo kulan oo saddex geesood ah uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo looga hadlay sidii soo afjari lahaa khilaafka Federaalka iyo Jubbaland.

Ugu dambeynta Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kulan gaara oo uu la qaaday Xasan Cali Kheyre ay kaga wadahadleen Guddiga farsamada iyo qaabka ay u shaqeynayaan.

PUNTLAND POST

The post Deni oo ka hadlay kulamo gaara oo la qaatay Farmaajo iyo Kheyre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this