Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo Si Cad Buu Ugu Tuntay Sharciyadii Wadanka…” Madaxwayne Dani

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gaalkacyo)-

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay raysal wasaare Khayre.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si furan uga xog-waremay waxyaabihii qarsoona ee aan saxaafadda lala wadaagin markii lagu sugnaa Dhuusamareeb, kadib markii ay u muuqatey in Madaxweyne Farmaajo ku wacad furey daacadna ka ahayn shirkii Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Puntland waxa uu qirey in Farmaajo la qaatey qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa in ay noqoto mid u dhexeysa tii 2016 iyo midda uu rabey ee ah hal qof iyo hal cod, si kale haddii loo dhigo doorasho dadban oo ka wanaagsan tii 2016, laakiin nooca ay tahay ayaan magac siin kari weyney waxaana ku heshiiney in guddi loo saaro dejiya qaabka, Halkan hoose ka DAAWO.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this