Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya Oo Fasaxday Dhammaan Hawlihii U xayirmay La Dagaalanka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiiradda Soomaaliyaa yeesheen kadib ceyrintii Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaalioya fasaxday dhamaan adeegyadii u xayirmay faafida cudurka Covid-19.

113097039_3062660487180614_3113669770426

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa yidhi  “ golaha waxa uu go’aamiyay maadaama uu hoos u dhacay xanuunka Covid-19 in si dhaqaallaha dalka dib kaco  dib loo furo garoomada diyaaradaha, iskuulada, jaamacaddaha iyo goobaha kale ee xiran”.

CODKA-WASIR-MAREYE.mp4.00_33_11_09.Still

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.

116217094_1701583103315715_1730785894569

Halkan Ka Daawo Sii Haya Wasiirka Warfaafinta Oo Sharxaya

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this