Deeq A. Posted July 27, 2020 Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada xukuumadda Soomaaliya, Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cilada ku timid qadka Internet-ka ee Soomaaliya. Canshuur oo wareysi gaar aha siiyey Shabelle ayaa sheegay in cilad lama filaan ah ay ku timid fiilada Fiber Optic ee soo dhexmarta badda. Sidoo kale wuxuu beeniyey in arrimo siyaasadeed loo jaray qadka Internet-ka oo shalay ka go’ay koonfurta iyo bartahama Soomaaliya. Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in haatan lagu howlan yahay in la ogaado ciladaasi iyo meesha ay ka dhacday, si loo farsameeyo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites