Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooni ay la socdeen dad shacab ah oo ku degtay xeebta Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dooni ay la socdeen dad shacab ah ay ku degtay xeebta magaalada Marka ee gobolkaasi.

Doonidaas oo ka baxday xeebta deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku degtay meel qiyaastii 18 KM u jirta magaalada Marka ee xatunta gobolka Sh/Hoose.

Illaa 11 qof ayaa lagu soo warramayaa inay doonida saarnaayeen, kuwaas oo 8 ka mid ah ay soo bad-badeen halka qof ka mid ah rakaabka uu geeriyooday, kaas oo askari ahaa.

Sidoo kale waxaa la sheegay in illaa iyo hadda la la’yahay illaa labo qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doonidaasi qalibantay, waxaana socda baadi goob loogu jiro dadkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this