Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelihii Ku Dagaalamay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Baaq Nabadeed U Diray Beelihii Dhawaan Ku Dagaalamay Deegaanka Adhi Cadeeye Ee Gobolka Sool.


Guddoomiye Cirro ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan: “Waxa aan u dirayaa baaqa nabadeed beelaha walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay deegaanka Adhi Caddeeye ee Gobolka Sool, walaalayaal waxa aan idinku baaqayaa nabad iyo in aydun colaadda joojisaan, colaadda inan baa ku dhinta, colaadda Hooyo ayaa ku goblanta, colaadda ubad baa ku agoomooba!

Xukuumadda Somaliland, madax-dhaqameedka, culimada iyo wax garadkana waxa aan ugu baaqayaa in ay u gurmadaan beelahaas walaalaha ah ee dirirtu dhex martay.

Nabad baa naas la nuuga leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this