Deeq A. Posted July 26, 2020 Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Kheyre – February 23, 2017 Xasan Cali Kheyre oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaa muddo saddex sano iyo bar ah ayaa shalay si dhib yar xilka looga tuuray, ma ahan wax cusub marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxda sare ee dalka soo maray labaatankii sano ee u dambeeyey. Tan iyo 2000, Soomaaliya waxay yeelatay 13 Ra’iisul Wasaare, madaxweynihii ugu horreyey ee kumeel gaarka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu yeeshay saddex Ra’iisul Wasaare oo kala ahaa Cali Khaliif Galeydh, Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, madaxweynihii ku xigay Cabdullaahi Yuusuf wuxuu isna magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere. Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay muddadii uu madaxweynaha ahaa saddex Ra’iisul Wasaare oo u horeeyey Cumar Cadirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, si lamid madaxweynihii ku xigay Xasan Sheekh ayaa isaguna magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare oo u horreeyay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Cumar Cadirashiid Cali Sharmaarke oo markii labaad Ra’iisul Wasaare ka noqday Soomaaliya. Madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhawaan magacaabi doona Ra’iisul Wasaarihiisii labaad, kadib markii ay kala huleeleen Xasan Cali Kheyre oo ay ku faani jireen in aysan is khilaafi doonin, balse dad badan aaaminsanaayeen arrin soo daahday oo mar uun iman doonta. Muxuu eersaday Kheyre? Inkastoo muddo la maqalyay guux ah inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, hadana ma ahayn khilaaf si toos ah u shaacbaxay, basle arrintu waxay bannaanka timid markii ay soo dhawaatay doorashada dalka ee 2020/2021. Xasan Cali Khaeye waxa uu muddo wadey dhoolatus siyaasdeed, basle hadalkii ugu weynaa ee uu eersaday wuxuu ahaa markii shir ay muuqaal ahaan ku yeesheen Golaha Wasiiradaka ka sheegay in muddo kororsi ay horseedi karto qalalaase siyaaasadeed, sidaas darteed ay doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda. Kheyre waxaa hadalkaas uga jawaabay Madaxweyne Farmaajo oo shuruud uga dhacay doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, waxayna ahaayeen hadaladii ugu horreeyey ee banaanka keena khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Yaa kawada shaqeeyay shirkoolka Kheyre? Sid ay ogaatay Puntland Post, Xasan Cali Kheyer waxaa lagu riday shirqool siyaasadeed oo ay kawada shaqeeyeen dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Madaxdaweyne Farmaajo, Guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada, waxaana loo boobsiiyay si fudud oo lama filaana. Shirkii Dhusamreeb ayuu ahaa kii loogu dhammeeyey Xasan Kheyre, markii madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ku heshiiyeen arrimo aan la soo bandhigin, kaas oo Madaxweyne Farmaajo soo xiritaankii si cad uga sheegay in waxyaabo badan oo aan la sheegi karin uu horgeyn doono Baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa is-afagarad wali shuruudo ku xiran tahay la gaaray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana la isla gartay in si hoose loo xaliyo tabashada Siciid Deni iyo Axmed Madoobe inta ka horreysa wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb. Fuley Xantiisa ma Mooga Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bilihii u dameeyey u kala qabsanaayeen labo garab oo ay kala hoggaaaminiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Guddoomiyaha Aqalka Hoose Maxamed Mursal, ku xigeenkiisa kowaad iyo Ra’iisul Wasaare xigeenka Mahdi Guuleed waxay la safanaayeen Madaxweyne Farmaajo, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqal Hoose Mahad Cawad ay la xulufo ahaayeen Ra’iisul Wasaare Kheyre. Bartimihii bishii Jun, Kheyre wuxuu casumaad qarsoodi ah ka helay dalka Qadar oo la safan Farmaajo, sid aan xog ku helnay Qadar waxay Kheyre kala hadashay inuu ka tago xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu Dooxa uga yimid aqbalaad iyo ballanqaad. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Fuley Xantiisa ma Mooga” waxaan murtidan u soo qaadaney in Xasan Cali Kheyre uusan moogeynta xanta ah inuu xilka Ra’iisul Waasarenimo waayi doono, sidaasna uu ugu daneeyay mustaqbalkiisa siyaasadeed. Marka dib loo milicsado Ra’iisul wasaarayaashii hore ee baarlamaanku riday, waxay riditaankooda laga marijiray rafaad, waxayna gali jireen difaac adag, balse Kheyre waxaa muuqata inuu raali ka ahaa sida fudud ee looga takhalusay iyo aqbalaada uu marmarsiinyaha uga is casilaad. Dacama Farmaajo Madaxweyne Farmaajo waxaa u harsan muddo Lix bilood ah, waxaa xilhayntiisu ku egtahay 7 Feebaraayo 2021, sida muuqata Madaxweynuhu diyaar uma aha inuu dalka ka qabto doorasho ku dhacda xiligeeda. Farmaajo shalay wuxuu dhaliyay goolkii u horreeyay oo u horseedi kara in muddo kordhin loo sameeyo, maadaada ay meesha ka baxday Xukumaddii diidanayd kororsiimaha, ayna wakhti qaadanayso magacaabista Ra’iisul Wasaare cusub oo soo magacaaba Xukuumadda, kadibna doorasha qabta. Shirka Dhuusamareeb 3, waxaa sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ku heli karaa muddo kordhin dhan ugu yaraan sanad iyo siddeed bilood, waa haddii mucaardka ay qeyb ka noqdaan shirka iyo xukuumadda cusub. Ra’iisul Wasaaraha cusub ee keeni doono Madaxweyne Farmaajo, waxaa looga dambeyn doonaa soo xulitaankiisa dowladda Qadar iyo Fahad Yaasiin oo dagaal weyn la galay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Dada badan oo siyaasadda fallaanqeeya waxay leeyihiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka iman doonaa degaanada Galmudug, raga la hadal hayo waxaa kamid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Hadalka Mareykanka Siyaasada Soomaaliya inta badan waxaa saameyn ku yeesha dano shiyeeye iyo hardan ka dhexeeeya dowlado iyo quwado is-haya, Dowladda Mareykanka oo noqotay shisheeyihii ugu horreeyay oo ka hadla xilka qaadista Xasan Cali Kheyre ayaa ka hortimid qorshahaas. Dowladda Maraykanku waxay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa “Qaswadayaash” ah ee doonaya in ay wiiqaan horumarka, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya. Dada badan ayaa isweydiinaya waa tuma cidd uu Mareynkaku ku sheegay Qaswadayaasha?, Mareykanka waxaa u muuqday in Turkiga iyo Qadar labaduba qorshe xoog badan kawadaan Soomaaliaya, ayna ku lugeeyihiin xilka qaadistii Kheyre. Xilka qaadista Kheyre ayaa muujisay sida aysan weli siyaasadda Soomaalidu uga gudbin isqabqabsi siyaasadeed oo soo noqnoqda. PUNTLAND POST The post Daldalaada Kheyre iyo damaca Farmaajo – FAALLO appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites