Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ay musiibo labaad ku habsatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo ay musiibo labaad ku habsatay

Sawir satarlyt-ka lagu qaaday oo muujinaya dufaanta Hanna
Sawir satarlyt-ka lagu qaaday oo muujinaya dufaanta Hanna

Dufaantii ugu horreysay ee sannadkan 2020-ka ayaa ku dhufatay xeebaha koonfurta Texas. Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay waxyeellada ay geysan karto duufaanta Henna oo wadata roobab iyo dabeylo xooggan.

Barasaab Greg Abbott ayaa 32 maamul uga dhawaaqay inay ka jirto musiibo, waxa uuna sheegay in fayraska corona uu sii adkeynayo adeegyada gargaarka deg degga ah.

Duufaanta Hanna ayaa Sabtidii ka bilaabatay Jasiiradda Padre, waxayna haatan ku faafeysaa inta u dhaxeysa magaalooyinka Corpus Christi iyo Brownsville.

Duufaanta oo uu xawaareheedu gaaray ilaa 145km saacadiiba ayaa waxay si xowli ah guryaha uga qaadeysaa saqafyada.

 hanna.jpg

Xarunta Duufaannada ee Mareykanka ayaa ka digtay in dhibaatooyinka duufaantan ay ku sii baaheyso qeybo ka mid ah xeebaha Texas. Waxayna xarunta dadka deegaanka ku boorisay iney raacaan hadalka hay’adaha ka shaqeeya adeegyada deg-degga ah.

Waxaa la filayaa in duufaantu ay inta baan deegaanka Houston ku dhufuto waa sida laga sigtay warbixinta Houston Chronicle.

Map
Presentational white space

Dhanka kale Duufaanta Douglas oo wadata dabeylo xawaarahooda gaarayaan 90 mitir saacadiiba ayaa ku soo fool leh Hawaii sida ay sheegtay Xarunta Duufaannada ee Mareykanka waxayna ka digtay in dufaanta ay wadato roobab horseedi kara daadad.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay in maamulkiisa ay si dhow ula socdaan duufaannada” Waxaanu sii wadeynaa inaan si dhaw ula sii socono labada gobol,” ayuu yiri Trump.

Duufaanta Hanna ayaa ku dhufutay Gobolka Texas oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyinka uu horseeday fayraska corona. In kabadan 380,000 oo kiis ayaa laga xaqiijiyay gobolka halka dhimashadana ay ku dhowdahay 5,000 oo qof.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this