Deeq A. Posted July 25, 2020 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumaddii la riday, si kumeel gaar ah ugu idmaday sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in idmashadu ku saleysan tahay in aysan hakad gelin qorsheyaasha dowladda inta madaxweynuhu ku soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare cusub. “Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri wareegtada Villa Somalia. Sidoo kale wareegtada ayaa lagu xusay in Madaxweyne Farmaano ku adkaysanayo in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka. Ugu dambayna wareegtada ayaa lagu soo gabagabeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo howlaha Xukuumadda u idmaday Mahdi Guuleed appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites