Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Socdaal dhulka ah kaga soo baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni waxaa Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha oo markii uu Gaalkacyo soo galay hadal kooban jeediyay ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiintii iyo Shacabkii soo dhowaynta u sameeyay.

Mudane Deni wuxuu sheegay in uu maalmaha soo socda sii joogi doono Gaalkacyo halkaasna kaga qayb-geli doono Xuska Munaasabadda 1-da Agoosto oo ku beegan markii la aa’aasay Dowladda Puntland.

Deni ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb oo uu kaga soo qayb-galay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka

Halkaan hoose ka daawo khudbaddiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this