Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo qarax lagula eegtay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Bangarafta Soomaaliya.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyada oo shaacisay in ay ku gubtay gaari Cabdi Bile ah oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro dhab-gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this