Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Galmudug & Puntland oo gaaray Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wasiiro ka tirsan labada maamul ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka socdaalka labada madaxweyne ayaa ah mid ay ugu kuur-galayaan xaaladaha ammaanka ee magaaladaasi iyo deegaanada hoos yimaada.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan maamulka magaalada Cadaado iyo odayaasha dhaqanka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Q1.jpg Q2.jpg Q3.jpg Q4-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this