Deeq A. Posted July 25, 2020 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay arrimaha keenay in Kalsoonida lagala noqdo Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Xukuumadda Khayre ay ku fashilantay in ay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah oo ku qabsoonta wakhtigeeda iyo dhammaystirka dib u-habaynta Dastuurka KMG ah ee dalka. Sidoo kale wuxuu sheegay in Xukuumaddu ku fashilantay diyaarinta Ciidamo Isku dhaf ah oo suga Amniga Doorashada kuwaas oo ka kooban heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed islamarkaana awaamiirta ka qaatan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in 170 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka ay Kalsoonidii kala laabteen Xukuumadda Xassan Cali Khayre halka sideed Xildhibaan ay diideen Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumadda. Dhinaca kale wuxuu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu soo magacaabo Ra’iisul wasaare Cusub oo soo dhisa Xukuumad dalka gaarsiisa Doorasho qof iyo cod ah. PUNTLAND POST The post Mursal oo sharraxay sababta loo riday Xukuumaddii Khayre appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites