Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulmayaan  xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho,  mid kamida kulamadoodii golaha.

Ajandaha kulanka golaha ayaa waxaa uu yahay ka doodista doorashooyinka 2020- 2021-ka, taas oo la filaayo in ay dalka ka qabsoonto sidii uu ku dhawaaqay GMDQ.

Dooda golaha ee hanaanka doorashooyinka ayaa waxaa ay ka soo horjeedaa Shirkii magalaada Dhuusamareeb, kaas oo aan weli lagu gaarin nuuca doorasho.

Madaxda doowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo ku kulmay magaalada Dhuusamreeb, ayaa ku balamay in guddi farsamo oo labada dhinac ah lasoo saaro, soo turxaan bixiyo nuuca doorasho ee ka qabsoomi karto dalka inta lagu jiro 2020-2021-ka, taas oo labada dhinac ay isku raacsan yihiin, kahor shir labaad ee Dhuusamareeb.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this