Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamullada ka jira dalka oo intooda magacaabay guddiyo farsamo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo HirShabeelle, ayaa magacaabay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay in maamulkiisa ay guddigaas ku matalaan: 1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, iyo 2 – Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna magacaabay in Jubaland ay guddigaas ku matalaan: 1- Xirsi Jaamac Gaanni, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, iyo 2- Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay inay guddigaas ku matalaan: 1 – Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowldaha Hoose, iyo 2 – Cabdul Maxamed Faarax Makaraan, Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda HirShabelele.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyana laga sugayaa inay soo magacaabaan guddiyada ku metalaya wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb.

Guddiyadan ayaa ka shaqeyn doono diyaarinta qorshaha guud shirka soo socda ee ay ku ballansan yihiin dhammaan dhinacyada daneeya siyaasadda, iyada oo looga hadlayo doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhammaadka 2020 illaa 2021-ka

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this