Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay Shirkii Dhuuso-mareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay Shirkii Dhuuso-mareeb

 beesha.jpg

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay kusoo dhoweysay go’aanadii kasii baxay shirkii dhowaan madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka waxay si gaar u sheegtay inay soo dhoweeneyso go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020.

“Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah.”

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

“Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.”

Somalia’s int’l partners welcome FGS-FMS leaders’ decision to form technical committee on modalities for 2020 #elections; stress need for broad-based #agreement on this process; urge all #Somali stakeholders to keep the country on a stable political path – https://t.co/s1oX91LFTP pic.twitter.com/BU4kZUlmWP

— UNSOM (@UNSomalia) July 24, 2020

 Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray:

* Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Qadar, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this