Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Xubnood ee Jubaland ku matala Guddiga Farsamada Doorashada oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Farsamo.png?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xalay magacaabay labada xubnood ee Jubaland ku matali doona Guddiga farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kaas oo ka soo tala-bixin doon Hannaanka ay qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Dalka.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu labadaasi xubnood u magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaanni iyo Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Maamulkaas Xamze Cabdi Barre.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna xalay magacaabay labada xubnood ee Puntland u matalaya Guddigaasi farsamo kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle.

PUNTLAND POST

The post Labada Xubnood ee Jubaland ku matala Guddiga Farsamada Doorashada oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this