Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo Maanta dood adag ka yeelanaya Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sida qorshaysan Maanta oo Sabtiya dood adag ka yeelanaya Arrimaha Doorashada Madaxtinimada Dalka ee 2020/2021.

Doodda Golaha ayaa ku soo beegantay maalmo kadib Shirkii Magaalada Dhuusamareeb ku soo xirmay kaas oo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ay ku soo heshiiyeen in la qabto Doorasho wakhtigeeda ku dhacda islamarkaana lagu wada qanacsanyahay.

Balse waxaa jirta in aan weli go’aan midaysan laga gaarin Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada waxaana Shirkii Dhuusamareeb lagu go’aamiyay in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah kaas oo ka imaanaya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah si ay uga soo tala-bixiyaan Arrimaha Doorashada.

Sidoo kale waxaa horay Golaha Sahacabku ansixiyeen Sharciga Doorashooyinka oo muran badan ka dhex dhaliyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kaas oo dhigaya in Doorashada soo socota lagu galo Hannaanka qof iyo cod oo waafaqsan Hab-qaybsiga Beelaha ee 4.5

Doodda Golaha Shacabka ee Maanta ayaa si weyn isha loogu hayaa inkastoo aan la saadaalin Karin Go’aannada ka soo bixi kara xilli Mudanayaasha qaar ay aad uga soo horjeedaan Shirkii Dhuusamareeb.

PUNTLAND POST

The post Golaha Shacabka oo Maanta dood adag ka yeelanaya Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this