Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo magacaabay labada xubnood ee Hirshabeelle ku matalaya Gudiga Farsamada Doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Hir.png?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay labada xubnood ee Guddiga Farsamada Doorashada ku matali doona Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare wuxuu labadaasi xubnood u magacaabay  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Hirshabelle Cabdul Maxamed Faarax Makaraan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna labada xubnood ee Maamulkiisa u matalaya Guddigaas u magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaanni iyo Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Maamulkaas Xamze Cabdi Barre.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay labada xubnood ee Puntland u matalaya Guddigaasi farsamo kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle.

PUNTLAND POST

The post Waare oo magacaabay labada xubnood ee Hirshabeelle ku matalaya Gudiga Farsamada Doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this