Deeq A. Posted July 24, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaano hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah wabiga ayaa ku fatahay deegaanka Baareey iyo tuulooyin kale hoos-yimaada. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in fatahaadu ay saameysay beero badan oo ku yaalla halkaasi. Dadka deegaanadaas oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa ka dalbaday dowladda dhexe iyo HirShabelle in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro. Xaaladda deegaanada uu ku fatahay wabiga oo dhaca dhanka waqooyi ee magaalada Jowhar ayaa haatan aad u adag, waxaana xirmay guud ahaan isku socodka dadka & gaadiidka ee deegaanadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites