Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ka hadlay heshiis ay wada gaareen Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_1595590986616.jpg?w=1000&ssl=1Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ku heshiiyeen in xal laga gaaro khilaafka labada dhinac ka hor wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb, isagoo si gaara u xusay xaaladda gobolka Gedo.

  • FB_IMG_1595591557364.jpg?w=1000&ssl=1Madaxweynaha Jubbaland oo shir jaraa’id ku tabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in farsamo ahaan la bilaabay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka mudada soo jiray ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Dowlad goboleedyada Jubbaland ayaa Axadii la soo dhaafay kulan gaara ku yeeshay Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Xiisad siyaaseed iyo mid amni ayaa gobolka Gedo taagnayd muddo, taas oo ku dhexaysay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo ka hadlay heshiis ay wada gaareen Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this