Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxaa Dalkeena dhaqan iyo caaddo fool-xun ka noqotay Cayda qaawan ee lafo-jabka ah ee……..

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Ninkeed Cuna ?

Fadlan Qofka Xilka haya Shaqadiisa dhaliila, balse Shakhsiyadiisa ha dhaliilina !
Asalaamu Calaykum
Waxaa Dalkeena dhaqan iyo caaddo fool-xun ka noqotay Cayda qaawan ee lafo-jabka ah ee aan tudhaalaha lahayn ee Maqal iyo Muuqaal iyo Qoraalba loo mariyo hadba qofkeena Xilka haya, Xil sare ha noqdo ama Xil hoose ha noqdee.
Dabcan qofka Xil Ummadeed haya ee shaqada loo diray ka soo bixi waaya ama ku kaca wax khaldan waa la dhaliilayaa, waana la sheegayaa Xaqna waa loogu leeyahay in farta lagu fiiqo. Hase-yeeshee ilaa Xadkee ayaynu gaadhnaa marka aynu wax dhaliilayno?
Tusaale aan usoo qaato Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Bile oo si aad u foolxun loogu goobtay loona weeraray Todobaadkii ina dhaafay, waxaynu arkaynay fal-celinta ka dhalatay Waraysi uu siiyay Bulsho TV.
Marka Caqliga Saliimka ah laga shaqaysiiyo miyay isku dhigmaysay Waraysiga iyo Fal celintii balaadhnayd ee aan meel-dayga lahayn ee si kasta loo yidhi ee Masuulkaas lagula kacay?
Waxa uu Masuulkaasi Xilka Dawlada hayay muddo yar oo kooban oo laba Sanadood ku dhow, waxaanad moodaysay dadka dhaliilayay inay ka dhigayeen Qof ay Noloshu ugu horraysay Xilkan ama ay ugu danbaynayso Xilkan.
Ismay waydiin waar horta Masuulkani ma mid gidaar fadhiyay oo inta meel laga soo kiciyay Xil loo dhiibaybaa? Ma waxa uu ahaa Xayraan bilaa camal ah oo ay Odayo-qabiil ay shaqadan usoo heleen baa? Ma is weydiiyeen in Maxamed Cali Bile uu ahaa qof Shaqaysta Xilkan Dawladeed ka hor oo hadduu imika Xilka ka tagana Shaqaysan doona oo aan gidaar fadhiyi doonin ee shaqo tagaya. Sidoo kale ma la is weydiiyay Kaalinta uu Masuulkani ka soo qaatay Dib u dhiska Dalka gaar ahaan Waxbarashada ilaa sanadkii 1992kii, haddiise Shaqadiisa la dhaliilayo ma Xaqbaa in Shakhsiyadiisa iyo Sharaftiisa la weeraro?
Ummad ahaan waxaa haboon in marka aynu wax dhaliilayno aynu ku koobno dhaliisha Shaqada iyo Masuuliyada uu Qofku hayo balse aynu ka waantowno Cayda iyo Ceebaynta Lafo-jebiska ah ee maalinba Muwaadin inaga mid ah aynu kula kacayno ee aynu Shakhsiyadiisa iyo Sharaftiisa ku weeraryno.
Dhaqankan Cayda ah ee aynu leenahay inalama wadaagaan reer Soomaaliya iyo Reer Jabuuti iyo Soomaali kale toona, mana arkaysid dad Masuuliyiintooda si qaawan uga Caayaya Warbaahinta.
Caadadan Foosha Xun ee Caytanku waxa uu Raad xun ku reebi doonaa Ubadkeena oo iyaguna halkaas ka sii wadi doona dariiqan xun ee aynu u jidaynay haddii aynaan iska bedelin dhaqankan foosha xun ee aynu caadada ka dhiganay.
Waxaan filayaa in ay jiraan dad badan oo Foolxumadan socota arkaya laaakiin ka gabada inay ka hadlaan si aan loogu eedayn inay yihiin Guulwadayaal u sacab tumaya kuwa Xilka haya.
Ummad is Toosin weyday oo isa sixi weyday Meel fog ma gaadho, mana horumarto.
Fadlan aynu ka Waantowno in aynu Maalinba Dubano oo aynu Dabka saarno Muwaaadin inaga mid ah.
Jimce Wanaagsan

Kaysar Maxamed Cabdilaahi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this