Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fuliyey dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka oo uu xigay dagaal foolka fool ah ayaa ka dhacay deegaanka Yumbis oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo socday oo khasaare geystay.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 6 askari, sidoo kalena ay ku dhaawacday 10 kale oo ka tirsan Booliska Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Kenya oo ku aadan dagaalkaasi.

Inta badan dagaalyhanada Al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka fuliya dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this