Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Heshiiskii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka kala socda dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay si taxaddar leh u soo dhowaynayaan War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ka soo baxay Isutagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu soo dhoweeyay Wada-hadallada u bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah si loo dardar geliyo Geeddi-socodka Dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay ku baaqeen in laga dhabeeyo Fulinta Heshiiska Dhuusamareeb islamarkaana si dhakso ah loo magacaabo Guddiga Farsamo ee Tala-soo jeedinta Arrimaha Doorashada.

Dhinaca kale waxay Guddiga Farsamo u soo jeediyeen in ay la tashiyo la sameeyaan Saamileeyda Siyaasadda Dalka iyo Khubarada dhanka Sharciga ah si loo helo fikrad mugleh oo ay ka wada qayb-qaataan Bulshada.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

War-Saxaafaded-Hishiiska-Dhusamareb-1.jp

PUNTLAND POST

The post Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Heshiiskii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this