Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkey iyo Ruushka oo ku heshiiyey xabad joojin Dagaalka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkey iyo Ruushkaa oo ku heshiiyey xabad joojin Dagaalka Liibiya

erdogan-300x168.jpg

Kulan ka dhacay magaalada Istanbul ayey wafuud ka kala socda dowlada Turkey iyo Ruushka uga hadleen xaalada dalka Liibiya, labadan dowladood ayaa kala taageera dhinacyada dagaalamaya.

Dowlada Turkiga oo iyadu gacan siineysa Xukuumada Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa xabad joojin ka dhacda dalka Liibiya shuruud uga dhigtay in marka hore ciidamada hogaamiye kooxeedka Khilafa Haftar ay dib ugu noqdaan goobihii ay ku sugnaayeen sanadkii 2015.

Arrintan ayaa ka dhigan in ciidamada Khalifa Haftar isaga baxaan magaalada Sirte iyo saldhiga ciidamada cirka ee ku yaal bartamaha dalkaasi ee al-Jufra.

Ruushka ayaa isaguna taageersan garabka Haftar, walow aan la aqoon in Jeneraalkaasi aqbali doono heshiiska dhexmaray Turkiga iyo xulafadiisa Ruushka.

Sirte-Liibiya.jpg

Ciidamada Dowlada Liibiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo buuxiyey nawaaxiga magaalada Sirte oo weli ku jirta gacanta ciidamada Haftar oo dib uga soo gurtay caasimada Tripoli oo ay ku fashileen inay qabsadaan kadib duulaan 14 bilood socday.

Dowlada Liibiya oo si weyn uga faa’iideysanaysa taageerada militari oo ay ka helayso Turkiga ayaa dooneysa inay la wareegto gacan ku heynta Sirte iyo Saldhiga Al-Jufra taasi oo u sahli doonta inay la wareegto xarumaha u muhiimsan ee laga soo saaro  batroolka.

Dhinaca kale dowlada Turkiga ayaa digniin u dirtay dalka Masar oo taageeraya Haftar, Baarlamaanka Masar ayaa Axadii lasoo dhaafay u fasaxay Cabdifatax Al Sisi inuu ciidamadiisa u diri karo dalka Liibiya si ay gacan u siiyaan ciidamada Khalifa Haftar

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this