Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Salman Oo Lagu Sameeyey Qalliin Lagaga Saaray Kaadi-haysta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in lagu guulleystay qalliin lagu sameeyay boqor Salman.

Wakaalada ayaa intaa ku dartay in qalliinka lagaga sameeyay Kaadi-haysta islamarkana uu muddo cisbataalka uu ku sii jiri ddono.

Toddobaadkan ayaa ahayd markii cisbataalka la dhigay boqor Salmaan.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa waxay sheegeen in dhakhaatiirta ay ku taliyeen in boqor Salmaan uu cisbataalka ku sii jiro.

Boqor Salmaan oo 82 jir ah ayaa boqortooyada Sacuudiga xukumayay tan 2015.

Taariikh kooban
Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis waxaa uu dhashay 31 bishii December sanadkii 1935.

Waxaa uu mar noqday badhasaab ku xigeenka magaalada Riyaad.

Balse markii dambe waxaa laga dhigay Badhasaabka magaalada Riyaad xilkaasi oo uu hayay muddo 48 sanno ah.

Boqor Salmaan ayaa waxaa uu sidoo kale mar soo noqday wasiirka gaashaandhiga Sacuudiga.

Xilka dhaxal-sugaha ayaa loo magacaabay sannadii 2012 ka dib markii uu walaalkii Naayif Binu Cabdul Casiis geeriyooday.

Boqor Salmaan ayaa xilka boqortooyada la wareegay sanaddii 2015 markaasi oo uu geeriyooday walaalkii boqor Cabddala.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this