Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukuno xabsi daa’in ah ku ridday laba Nin oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana lagu eedeeyay in ay qaraxyo ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyha maxakamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya, Xasan  Cali Nuur  Shuute ayaa sheegay in Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin lagu helay eedeynta loo soo jeediyey, sidaas darteedna lagu Xakumay Xabsi daa’in

Xeer ilaalinta Maxkamedda Ciidamada ayaa shegtay in Mustaf loo hetsto 8-qarax oo lagu xiray gawaari, halka ninkaasi horay Maxkamada ay ugu riday  xukun shan Sano ah oo uu soo dhameeystay, dibna ugu laabtay howlihii uu u hayay Al-Shabaab.

Mid ka mid ah labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Muumin ayaa la xukumay isagoo maqan, kaas oo lagu eedeeyay in uu ahaa hagaha iyo mareeynta lacagaha ee uu wax ku Fulin Jiray, Mustaf Maxamed Xuseen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this