Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoysas ka soo barakacay Afgooye oo soo gaaray duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaareen qoysas badan oo ka soo barakacay fatahaadaha ku dhuftay degmada Afgooye.

Qoysaskan oo aad u dhibaateysan ayaa haatan daruufo kale oo nololeed waxa ay ku heystaan deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkaasi barakacayaasha ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay heysan meel ay ku hoydaan iyo wax ay cunaan.

 

Maamulka Garasbaaley oo dadkaas soo dhoweeyey ayaa baaq u diray maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha samafalka, si gurmad loola soo gaaro dadkaasi tabaaleysan.

Afgooye iyo deegaanada ku dhow-dhow ee gobolka Shabeelaha ayaa waxa ku fatahay webiga Shabelle, iyada oo biyo badan ay dhex ceegaagaan gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this