Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye degmo oo ka bad-baaday qarax goor dhow gaarigiisa lagula eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, kaas oo ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu lahaa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Muuse Geesey Jimcaale.

Dad goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana  ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaasi.

Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha Caasimada ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ah ee lala eeganayo mas’uuliyiinta dowladda askarta ku sugan M/ Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this