Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay 7 ka mid ah Daacishta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Africom ayaa waxaa lagu faah-faahiyey duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay 21-kii bishaan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka deegaanka Timirshe oo 140 km u jira magaalada Boosaaso ayaa waxaa Africom ay shaacisay in lala eegtay kooxda Daacish.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Mareykan ah lagu dilaay illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya oo ku xoogan buuraleyda gobolka Bari.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno kooxaha argagixisada, islamarkaana aan saaxiibadeena Soomaaliya ka caawinno inay kala dhantaalaan howlgalladooda,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos, oo ah agaasime ku-xigeenka howlgallada AFRICOM.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ay ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan sii wadeynaa taageeradeena si aan waxa la midka ah Daacish iyo Al-Shabaab uga ciribtirno Soomaaliya.”

Warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ku soo aadaya, iyadoo duqeyntaasi, kadib dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Timirshe, kaas oo u dhexeeyey ciidamada sida gaaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland iyo Daacish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this