Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoo-Qoor oo u mahadceliyey madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo khudbad ka jeediyay shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa uga mahad-celiyay madaxda ka qeyb gashay Shirka sida ay ugu dul-qaateen aaya ka talinta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Qoor-Qoor sheegay in Galmudug ay sharaf u tahay in madaxda dalka ka aqbaleen gogosha ay u dhigeen, islamarkaana uu ku qanacsan yahay in madaxda dadaashay, kana soo baxeen waajibaadkii la saaray.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay wada-hadallada sii socdaan, islamarkaana shir kale la isugu imaan doono 15-ka bisha soo socota ee Agoosto.

Shirka lagu dhawaaqay oo ay isugu imaanayaan madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in lagusii dhameystiro waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac  si loo dardar-geliyo howlaha doorashooyinka ee 2020-2021-.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this