Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo A/Madoobe oo shaaciyey in la xaliyey khilaafkii kala dhexeeyey DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyey shirkii madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa sheegay in dadaal badan oo la sameeyey iyo wada-hadal uu meesha ka baxay khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac.

Deni ayaa tilmaamay in maamul goboleedyada iyo dowladda loo kala waramayey hayeeshee taasi ay dhammaatay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogo xilligii Midnimada, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeya danaha guud ee Qaranka.

Dhankiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayey shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in xal waara laga gaaray khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyey dowladda dhexe ee Somalia.

Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa ku sheegay in si hoose wax loo xeeriyey, gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashadii isaga dib loogu doortay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib wada-hadalladii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la muujiyey isu tanaasul, isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddo uu taagnaa khilaafka dowladda kala dehxeeyey Puntland iyo Jubbaland, kaas oo saameeyey wada shaqeynta labada dhinac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this