Deeq A. Posted July 22, 2020 Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaa maanta oo Arbaco ah socdaal aan horay loo sii shaacin ku tegay wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyadda dalkaas Axmed Shide. Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa,waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay xubno kamid ah golaha wasiirada Somaliland, iyada oo loo gudbiyay Madaxtooyada. Weli si dhab ah looma cadeyn u jeedka wafdiga ka socda dowladda Itoobiya ee maanta tegay magaalada Hargeysa, hayeeshee 19-kii bishii Febaraayo ee sanadkaan ayuu wasiirka maaliyadda Itoobiya tegay Hargeysa, waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland. Maalma ka hor ayay aheyd markii wafdi ka socda dowladda Masar ay tageen magaalada Hargeysa, islamarkaana ay la kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana labada dowladood ee Itoobiya iyo Masar xilligaan ka dhaxeeya hardan ku saabsan webiga Nile. View the full article Share this post Link to post Share on other sites